War Deg Deg ah: Dagaal xoogan oo ka bilawday Gobolka Sh/Hoose

Wararka aan ka helayno Gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Dagaal culus uu hadda ka bilowday Deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa Dagaalka ku qaaday Deegaanka No-50 waxaana dagaalka hadda uu yahay mid si xoogan u socda Ciidamada Dowalda oo iyo Maleeshiyo Deegaanka ah oo iskaashanaya ayaa waxaa la sheegay in ay iska caabinayaan Weerarka Al-Shabaab.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalkaas oo ah mid weli si xoogan uga socda No-50, Balse Al-Shabaab ayaa weerarkan waxaa uu noqonayaa midkii labaad oo ay ku qaadaan Deegaankaas wax kayar 8 saacadood.

Dagaalkan ayaa u muuqda mid qorsheysan oo ay shabaabku ku talagaleen in degaanka     No-50 ay uga dhigaan lama degaan ayadoo ay ahayd markii ay xalay weerar Xoogan kusoo qaadeen Degaankaas ayna gubeen guryo ay deganayeen dad shacab ah kuwaas oo ku yaala  qiyaastii 14 Tuulo sidoo kalena Shabaabka ayaa xalay halkaas ka afduubtay odayaashii badi degnaa meelahii ay gubeen.