War ay ku Farxeen Dadka Reer Muqdisho Oo Caawo Ka Soo yeeray Maamulka Gobolka Banaadir

Maamulka gobolka Banaadir ayaa caawa ku dhawaaqay maalinta berri ah oo Taariikhda ay ku beegan tahay 07-07-17 wixii ka bilowda, ay si lacag la’aan ah lagu geli doono xarunta Beerta Nabadda ah ee degmada Waaberi, halkaasi oo ah meel qurux badan, sawirana lagu galo.

Warkan waxaa Warbaahinta u xaqiijiyay Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane.

Wuxuu sheegay Afhayeenka arrintan in ay timid kadib tixgelin loo sameeyay shacabku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Sidoo kale C/fataax Xalane wuxuu sheegay in Beerta Nabadda ay leedaha Dowladda Hoose, balse ay maalgashadeen Ganacsato Soomaaliyeed, kuwaasi oo uu sheegay in ay u hayaan tixgelin gaar ah.

Beerta Nabadda ayaa markii hore qofki galaya waxaa laga qaadi jiray lacag dhan Hal Dollar, halka maalmaha Ciidana laga dhigi jiray laba Dollar, balse wixii hada ka dambeeya ma jiri doonto.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taahbit Cabdi Maxamed oo dhowaan booqasho ku tagay Beerta Nabadda ayaa sheegay in Beerta aysan aheyn goob ganacsi balse ay tahay Beer Nabadeed, oo loo soo damaashaad tago