Waiir Yuusuf Garaad oo la kulmay dhigiisa dalka India iyo Qorshaha sii daynta Maxaabiista….

Wasiirka arimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa la kulmay dhigiisa dalka india,kadib markii uu gaaray dhawaan halkaas.

Labada Masuul ayaa ka wada hadlaya sidii Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalkaas India dib loogu soo celin lahaa dalkooda Soomaaliya,kadib hehsiis horay uwada dhex maray masuuliyiin ka kala socotay dowladda Sooamaliya iyo India.

Yuusuf Garaad iyo Wafdiga la socda ayaa Maanta booqan doona halka ay ku xiran yihin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Magaalooyinka kala ah Hyderabad iyo Mumbai.

Qorshaha sii daynta maxaabiistan Soomaaliyeed ayaa haddii lagu guuleysto waxaa xigi doona Maxaabiis kale oo ayaguna ku xiran Jasiirada Seychelles kuwaasoo horay looga wada hadlaykadib markii ay Wafuud ka socotay Jasiiradaas soo gaareen Soomaaliya bartamahii Jully.

Dowladda Soomaaliya ayaa wado dadaalo lagula soo wareegayo Maxaabiista caalamka ku xiran taasoo aysan ku guuleysan Dowladahii ka horeeyay waana tilaabo wanaagsan oo ay dowladu horay u qaaday.

SAWIRRO