Wafdi Sare oo ka socda dowladda Sacuudiga oo Maanta ku soo wajahan magaalada Muqdisho

Waxaa maanta la filayaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan wafdi balaaran oo ka socda dowladda Sacuudi Carabiya .

Wafdigan ayaa waxaa la sheegay inuu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Caadil Al-Juber, iyagoo la kulmi doona Madaxda dowladda Soomaaliga.

Mr Jubeyr ayaa safaro ku maraya wadamo badan oo kuwa Islaamka ah, si uu taageero ugu raadiyo qorshaha Sacuudiga doonayo inuu ku go’doomiyo Qatar.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku cadaadineysa dowladda Soomaaliya inay ka laabato go’aankii ay dhex dhexaadnimada uga qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Sacuudiga uu siinayo fursadii u dambeysay dowladda Soomaaliya ee ku aadan inay labada dhinac mid la safato.

Todobaadkii hore ayaa la sheegay in La Taliyaha Boqorka Sacuudiga oo safar qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho uu kala laabtay natiijo la’aan, kaddib markii dowladda Soomaaliya diiday inay xiriirka u jarto Qatar.

Shalay ayay aheyd markii Wafdi uu hoggaaminayay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar uu soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu dowladda Soomaaliya ugu mahad celiyo go’aanka dhex dhexaadnimada ay qaadatay.