Wafdi Kormeer ku tagay Goobaha ay deganyihiin Xujeyda Soomaaliyeed (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Diinta & Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya Dr Iimaan Cabdulaahi Cumar oo ay Wehliyaan Marwo Faadumo Xasan Aadan Girii Gudoomiye kuxigeenka Gudiga Cadaaladda  iyo  Arimaha Diinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta & Awqaafta ahna Madaxa bicthada Xujeyda Soomaaliyeed Mudane Cumar Faaruuq Sheekh Cabdi Casiis ayaa Kormeeray Qaar katirsan Degaanada la dejiyey Xujeyda Soomaaliyeed ee Sanadkan Gudaneysa Xajka.

Socdaalka Wasiirka waxaa uu ku horumarnay Daarta Cuteyba oo ka mid ah Meelaha la dajiyey Xujeyda iyadoo Indhaheenu ay qabanayeen Qolal Jiifka oo ah Meelo Bilicdooda aad usareyso isla Markaana Nadaafadooda aad loogu dadaalay.

intaa kadib Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa Warbixino ka dhageystay qaar kamid ah Xujeyda iyagoona uga Sheekeeyey Qaabka ay unool Yihiin.