Wafdi balaaran oo ka socday Qaramada Midoobay ayaa booqday Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Maamulka Degmada iyo madax kale.
Wafdigaan oo isugu jiray Ajnabi iyo Soomaali ayaa socdaalkoodu waxa uu ku qotomay qiimeyn xaalada degmada Hobyo ah isla markaana waxa ay socod guud kusoo mareen meelo badan oo ka tirsan degmada Hobyo sida Garoonka Diyaaradaha iyo Dekedda Hobyo.
Sida uu sheegay Gudoomiyaha degmada Hobyo Cabdullaahi Axmed Fahad, Wafdigaan ayaa u jeedkooda waxaa uu ahaa sidii Qaramada Midoobey ay uga qeyb qaadan laheyd Ammaanka degmada Hobyo.
Waxaa uu sheegay in ay booqdeen Garoonka iyo sidoo kale Dekedda degmada Hobyo islamarkaana ay ballan qaadeen in Xafiisyo Hay’adaha Qaramada Midoobey ay ka furan doonaan Hobyo.
Degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxa ay sanadyadii lasoo dhaafay gaartay Horumar aad u ballaran , waxaana Magaaladaasi lagu waddaa in dhawaan laga bilaabo dhismaha Deked Caalami ah.
SAWIRO