Wafdi ka socda Dowladda Federalka oo Madaxda iyo waxgaradka Hirshabeelle kula kulmaya Jowhar

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe maanta waxaa ka dhacaya kulamo gaar gaar ah oo looga hadlayo khilkaafka siyaasadeed ee ka dhextaagan maamulka Hirshabeelle.

Kulamadan ayaa waxa ay dhexmari doonaan Wasiirada Arrimaha Gudaha, Amniga, Waxbarashada Soomaaliya oo shalay tagay Jowhar iyo Madaxda maamulka Hirshabeelle, sida laga soo xigtay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo wafdiga Wasiirada ah la socda.

Kulamada ka dhacaya Jowhar ayaa waxaa Wasiirada waxa ay si gaar ah ula yeelan doonaan Madaxweynihii shaqada laga eryay ee Cali C/laahi Cosoble iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Sidoo kale wafdigan ayaa waxa ay kulamo la yeelan doonaan qaybaha bulshada ee degaanka, oo ay ugu horeeyan Odayaasha Dhaqanka ee Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wasiiradan gaaray magaalada Jowhar oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka (Cabdi Juxa) ayaa waxaa diray Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Wafdiga ku baxay xiisadda ka taagan Hirshabeelle, ayaa waxay ka dambeysay markii Madaxweyne Cosoble uu Madaxda Dowladda ku eedeeyay in ay qayb ka yihiin khilaafka siyaasadeed ee maamulkiisii lagu furay.