Wafdi horu dhac ah uu hogaaminaayo Yuusuf Garaad oo u amba baxay Imaaraatka carabta

Waxaa maanta garoonka Adan Cadde ka dhoofay wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibeda Soomaaliya Mudane Yusuf Garaad Cumar wafdigan ayaa hor u dhac u ah booqasho uu ku tagi doono maalinta berri ah Imaaraatka carabta  madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo halkaasoo ay uga wada hadli doonaan arimo quseeya labada dal.

Booqashada uu ku tagi doono maalinta berri ah mudane Farmaajo wadanka isu taga imaaraatka carabta ayaa waxa lagu soo hadal qaadi doonaa xaalada heshiiski uu imaaraatku saldhig militari uga furan lahaa magaalada Berbera.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kasoo horjeestay Heshiis ay Dowlada Imaaraatka la gashay maamulka Somaliland oo ku aadan in saldhig milatari ka furato garoonka Diyaaradaha magaalada Berbera, waxa uuna Madaxweynaha Imaaraatka uga dacwooday Dowkada Sacuusiga.

Dowlada Sacuudiga ayaa lagu so waramaya in ay ka shaqeysay isku soo dhawaan shiyaha Madaxweyne Farmaajo iyo dowlada Imaaraatka, waxaana laga dhursugayaa natiijada kasoo baxda wadahadalada uu Farmaajo la qaato Madaxda Imaaraatlka.

Imaaraatka ayaa mujdooyinkii ugu dambeeyay saameyn toos ah ku yeelanayay Soomaaliya, waxa ayna dowladaasi Heshiisyo aysan wax ka ogeyn dowlada Federaalka la gashay Maamulo dalka ka jira sida Somaliland iyo Puntland, waxaana Dekadaha Boosaaso iyo Berbera lagu wareejiyay Shirkad Imaaraatka laga leeyahay.