Wadooyinka Muqdisho oo xiran iyo Basas ay Dowladda u diyaarisay Shacabka u dabaal degaya 1-da Luulyo

Iyadoo lagu guda jiro dabaal dega todobaadka xoriyadda Soomaaliya maantana ay ku beegantahay 1-da Luulyo oo ah maalintii gobolada Koonfureed ay qaateen xoriyadda ayna midoobeen Waqooyi iyo Koonfur ayaa waxaa amaanka magaalada Muqdisho loo adkeeyey si wanaasgan.

Wadooyinka ayaa lagu arkayaa ciidamada  amniga qeybahoodi kala duwan,taasi oo qeyb ka ah dabaaldega farxadda xoriyadda,iaadoo taasi ay jirto ayaa dhanka kale Dowladda soomaaliya waxaa ay Shacabka Magalada muqdisho u diyaarisay gaadiid waaweyn o Basas ah,kuwaasi oo loogu talagalay in lagu daabulo dadweynaha ka qeybqaadanaya dabaal dega iyo kuwa kale oo doonayaa in ay isaga kala gooshaan gudaha magaalada,maadaama waddooyinku ay xiran yihiiin inta uu dabaal dega socdo.

Gaadiidka ay dowladda Soomaaliyeed shacabku ay u diyaarsiyay ayaa meelaha ay gaari doonaan waxaa kamid ah.

Laga soo bilaabo Ex-Kantorool Afgooye,Daljirka,garoonka kubadda cagta Koonis,isgoyska Terbuunka iyo isagoyska Sanca ee magaalada Muqdisho,taasi oo ku dareensiinaysa sida dowladda Soomaaliya ay waxbadan uga taxadirtay daryeelka dadweynaha.

Talaabadan oo ay dowladda Soomaaliya shacabka ugu diyaarisay gaadiid lagu daabulo inta uu socdo dabaaldegga ayaa sahlaya wadashaqeyn dhexmarta laamaha ammaanka iyo shacab,waxaana siweyn u soo dhaweeyey talaabadaasi oo ay dowladda qaaday shacabka kunool magaalada Muqdisho.