Wadahadaladii U Dhaxeeyay Jabhada ONLF Iyo Itoobiya Oo la hakiyay

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka dhacay wadahadalo u dhaxeeyay Masuuliyiin kala matalaya Jabhada ONLF iyo dowladda Itoobiya si xal looga gaaro dagaalka mudo soo socday ee dhexmaray labada dhinac.

Wadahadaladaas oo aan weli ka soo bixin qodobo ayaa hadana Warbaahinada qaar wax ay qorayeen in lagu kala tegay oo uu fashilmay balse waxaa arrintaasi ka hadlay Madaxda Sare ee Jabhada ONLF.

Afhayeenka Ururka ONLF Cabduqaadir Xasan Hirmooge (Cadaani) ayaa sheegay in wadahadaladaas ay si KMG ah loo hakiyay kadib markii Guddiga dhex dhexaadinta ahaa ay dalbadeen.

Waxa uu sheegay in Wakiilada labada dhinac kala metalayay laga dalbaday in ay wadatashi la soo sameeyaan madaxka ka sareysa intaasi kadibna dib la isugu soo laabaan doono.

Sidoo kale waxa uu sheegay in wadahadaladaas ay yihiin kuwo aan weli burburin balse ay yihiin kuwo si KMG ah loo hakiyay si wadatashi masuuliyiinta Sar sare loola soo sameeyo sidoo kalena wararka sheegaya in ay fashilmeen aan waxba ka jirin.

Sikastaba Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa 10 Bishaan uu Nairobi uga furmay wadahadaladaas wakiilada kala matelayay Dowladda Itoobiya iyo Jabhada ONLF wallow haatan si KMG ah loo hakiyay.