Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib safar uu saakay kaga soo ambabaxay magaalada Jowhar.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle, waxaana si weyn Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ugu soo dhaweeyay Maamulka gobolka, kan degmada, Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMIOSM ee ku sugan gobolka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Intaas kadib Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa kulan saacad iyo wax ka badan socday waxa uu la qaatay Maamulka gobolka, Odayaasha Dhaqanka iyo Saraakiisha Ciidamada.
Waare ayaa dhinacyadan uga mahadceliyay marka hore soo dhaweyntii ay u sameeyeen, wuxuuna ka dalbaday in la gala shaqeeyo sidii Hirshabeelle ay u gaari laheyd hormaro badan, isaga oo si gaar ah uga codsaday in xooga la saaro arrimaha ammaanka.
Socdaalkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee Madaxweynaha Hirshabeelle ku tago magaalada Beledweyne, maalmo kaddib markii lagu doortay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ammaanka magaalada Beledweyne ayaa aad loo adkeeyay, waxaana xiran wadooyinka qaar oo lagu arkayo Ciidamo hubeysan, kuwaasi oo ka feejigan suurtagalnimada ah in Shabaab ay weeraro geystaan inta Madaxweynaha uu Beledweyne ku sugan yahay.
16-kii bishan ayaa Maxamed Cabdi Waare waxaa lagu doortay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle, kadib Doorasho adag oo uu la galay Sideed Musharax, waxaana 27-ka bishan la filayaa in lagu caleemo saaro Jowhar.