Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ka hadlay laba arrimood oo kala ah gogosha Madaxweyne Axmed Madoobe uu sheegay in Magaalada Kismaayo ay isugu imaanayaan maamul goboleedyada iyo khilaafka u dhaxeeya Madaxda maamulka Galmudug.
Wuxuu sheegay Waare in marka hore ay soo dhaweynayaan ka Hirshabeelle ahaan gogosha Wadatashi ee la dhigayo magaalada Kismaayo, taasi oo uu tilmaamay in ay ku jirto fariin nabadeed, Soomaalinimo iyo in shacabka loo turo.
Dhanka kale Madaxweyne Waare ayaa soo hadal qaaday khilaafka Galmudug, wuxuuna sheegay dhisida maamulkan in dhibaato badan laga soo maray, hadana aanan loo baahneyn in la dumiyo maamulkan.
Sidoo kale wuxuu sheegay Madaxweynaha Hirshabeelle in aysan wax la aqbali karo aheyn in hada maamulka la dumiyo, ragga arrintan ay qudeyso ayuu ugu baaqay in la qaboojiyo xiisada wadatashina la geliyo.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Hirshabeelle oo faah faahinayay safarka uu k u joogo Muqdisho ayaa sheegay in Muqdisho uu joogi doono mudo Afar maalmood, si uu kulamo ula qaato Madaxda Dowladda iyo xubnaha Beesha Caalamka oo uu sheegay inuu kala hadlayo sidii loo kordhin lahaa taageerada Hirshabeelle.
Khilaafka u dhaxeeya Madaxda maamulka Galmudug ayaa sii xoogeystay kadib markii Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ay sheegeen in ay xabsi guri ku jiraan.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa ku baaqay in Madaxweyne Xaaf uu horyimaado Baarlamaanka si su’aallo looga weydiiyo Go’aankiisa ku aadan taageerada Xulufadda Sucuudiga.