Waa sidee Xaalada Magaalada Guriceel.

Xaalada Guriceel oo caawa dagan iyo dagaalkii maanta oo sababay qasaare aan yareyn.

Inta la ogyahay Saraakiil ciidan oo labada dhinac ah iyo dad shacab ah ayaa dhimasho iyo dhaawacba kasoo gaarey dagaalka maalintii labaad dhacey ee guriceel oo caawa la isku gabal dhacsadey.

Ahlusunna oo maanta lasiiyay fursad ay dalbadeen si ay uga baxaan magaalada ayaa dib ugu soo rogaal celiyay difaacyada ciidamada ee waqooyiga iyo bariga ee magaalada, waxaana halkaasi ka dhacey dagaal la isku riiqmay oo dhimashada iyo dhaawacaba aysan tiro laheyn.

Magaalada waxaa wali adag xaalada oo waxaa mararka qaar la maqlayaa rasaas culus, Ahlusunnada dib usoo laabatey ayaa gashey oo difaac uga jirta dhismayaal darbiyo ah oo ku dhaw xarunta jaamacada halkaa oo ay hareereeyeen ciidamada haramcad iyo gorgor.

dagaalka ayaa lafilayaa in uu maalintii sadaxaad bari galo, dowlada ayaa galabta soo xoojisay ciidankeeda oo lagu fidiyay dhamaanba xaafadaha magaalada guriceel kuwaa oo la joojiyay shacabka guriceel.