Waxaa hadda degan Jawiga Xaafadda Haanta dheer oo saacadihii lasoo dhaafay kacsanaa kadib markii cidamo ka tirsan Xasilinta Muqdisho ay weerar ku qaadeen Ciidamo Militari ah oo ku sugan Goobtaas.
Waxaa jiray Qasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay dagaalkii maanta ka dhacay xaafadda Haanta dheer ayadoo dadka shacabka ah ay waxyeelada ugu badani soo gaartay mana jirto qof cadayn karta Tirada Rasmiga ah ee waxyeelada ay kasoo gaartay dagaalkaas maadaama inta badan ay dadku ahaayeen dad firxad ku jira oo waqti ay hurdeena ay xabadu ka dul bilaabatay.
Waxaa Goobta gaaray Masuuliyiin ka socday Dowladda Soomaaliya oo isagu jira xildhibaano iyo Saraakiil uu ka midyahay General Cirfiid waxa ay ku guuleesteen in ay kala qaadaan Kooxihii dagaalamayay isla markaana waxa ay meesha ka direen Ciidamada Xasilinta oo markii horeba duulaan ahaa.
Sidoo kale waxaa jiray Banaanbax ay dadku dhigayeen ilaa saakay waxaana dadkii banaan baxayay la hadlay Masuuliyiinta ka socotay Dowladda Soomaaliya waxa ayna u balan qaadeen in waxa ay tabanayaan wax laga qaban doono baaritaan dhab ahna lagu samayn doono Waxyaabaha uu ku qotomo dagaalkii Maanta.
Waxaa hadda Guud ahaan furan Goobahii Ganacsiga ee Xaafadda Haanta dheer waxaana dib u bilowday Dhaqdhaqaaqii Gawaarida iyo Dadweynaha.