Waa sidee xaalada Guud ee degaanka Xeraale kadib dagaal xoogan oo halkaas ka dhacay

Dagaal xoogan oo shalay duhurnimadii ka bilowday degaanka xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa galaaftay in ka badan Tobaneeyo qof halka ku dhowaad dhaawacana ahaa 30 qof, Dadka dhaawacmay ayaa la kala geeyey magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Caabudwaaq, sida dadka ku nool qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa salka ku haya xiisad todobaadyadii u dambeeyey ka taagnayd deegaanka Xeraale oo u dhaxaysay maamulka Ahlusunna wal Jamaaca oo gacanta ku haya deegaanno ka tirsan gobollada dhexe iyo mileeshiyo aan doonayn inay maamulka ka tirsanaadaan.

Weli rasaas goos-goos ah ayaa laga maqlayaa Deegaanka xeraale, mana jiro dadaal nabadeed oo lagu dhexdhexaadinayo labada dhinac.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in halkaa loo diri doono guddi xaqiiqo raadis ah kaas oo baari doona qaabkii uu dagaalkaan ku bilaawday.