Wararka naga soo gaaraya degaanka Bali busle ee Barriga gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta ay degan tahay Xaaladda degaankaasi oo shalay ku dagaalamay Maleeshiyaad kasoo kala Jeedda maamulada Punland iyo Galmudug.
Waxgaradka labada maamul ayaa waxa ay wadaan dadaallo kala duwan oo lagu xalinaayo dagaalka ka taagan degaanka Bali busle, Waxaa la xaqiijiyay in Labada Maleeshiyaad aywali ku sugan yihiin meel u dhow goobihii lagu dagaalamay.
Odayaasha ayaa sidoo kale Maleeshiyaadka ku sugan degaankaasi ugu baaqaya in ay xabadda joojiyaan islamarkaana ay nabadda qaataan.
Sidoo kale degaankaas waxaa lagu waddaa in ay gaaraan Mas’uuliyiin ka tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug si ay usoo qiimeeyaan xaalada meesha ka jirta.