Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka Axmed Cawad Ciise ayaa Idaacada Voa Laanta Afsoomaaliga u sheegay in dowladda Mareykanka ku warglisay ilaa 4, 000 oo ruux oo Soomaali ah dib looga soo celinayo dalka Mareykanka.
Safiirka ayaa sheegay in dadka ay u ku soo celinayso dowladda Mareykanka Soomaaliya in aysan aheyn kuwa ku jira xabsiyadda oo keliya.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay dowladda Mareykanka ay ka doonayaan dhinacooda faah faahin la xariirta sababta loo soo tarxiilo dadka Soomaaliyeed.
Safiir Cawad ayaa sidoo kale sheegay in ay la kulmi doonaan qaar ka tirsan Madaxda Maraykanka si ay wax uga waydiiyaan sababta kaliftay
Tan iyo markii dib loo howlgaliyay safaarada Soomaaliya ee Mareykanka waxaa jiray dad badan oo Soomaali ah oo dib loogu soo celiyay dalka,