Ururka Al-shabaab oo xukun dil toogasho ah fuliyay

Sida warka aan ku helayno Maxkamada Al Shabaab, ayaa xukun dil ah waxa ay ku fulisay nin lagu eedeeyay horay inuu dil uga gaystay degaanada Shabaabka ay maamulaan ee Gobolka Galgaduud.

Ehelada marxuumka horay loo dilay, ayaa waxa ay dalbadeen in loo qisaaso dilka wiilkooda, waxaana sidaasi awgeed maxkamada Shabaab ay fulisay xukunkii dilka ahaa.

Ninka dilka gaystay ayaa lagu magacaabi jiray Saciid Maxamed Faarax kaasi oo la sheegay inuu dilay nin xoola dhaqata ah oo lagu magacaabi jiray Cilmi Max’med Sugulle.

Xukunka dilka ah ayaa wuxuu ka dhacay Magaalada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud, iyadoo boqolaal dadka Magaalada ka mid ah la isugu keenay goob fagaare ah.

Sidoo kale maxkamada Al Shabaab ayaa xukun ku riday wiil iyo gabar ay sheegeen inay ku dhaceen fal galmo ah, kuwaasi oo maxkamada la hor keenay.

Ubax Xassan Muuse oo 17 sano jir ah iyo Abshir Maxamed Cumar oo 20 jir ah ayaa Shabaab waxa ay ku xukumeen min 100 jeedal ah iyo muddo sanad ah in laga masaafuriyo degaankii falkaasi ay ka gaysteen.

Xukunka gabadha ayaa dib loo dhigay, maadaama sida la sheegay ay leedahay uur lix bilood ah, kadibna la sugaayo inta ay ka dhaleyso.

Ururka Alshabaab ayaa sidaan oo kale xukuno lamid ah ka fuliya degaanada ay maamulaan ayadoo horay ay dil dhagax lagu rijmiyay nin dhalinyaro ah uga fuliyeen deegaan ka tirsan Gobalka Hiiraan.

Sidoo kale Khamiistii lasoo dhaafay ayay ahayd marki ay xukun gacan jaris ah ka fuliyeen degaanka tayiglow ee Gobolka Bakool.