Xarakada Al Shabaab ayaa waxa ay shaaciyeen in saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ay ku dileen weerar qorsheysan oo ay dhawaan ku qaadeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
War ka soo baxay Al Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay qaar ka mid ah magacyada saraakiil ay tilmaameen in ay ku dileen weerarkaas, waxaana ka mid ahaa:-
1:-Mahad Duldheer oo ahaa taliye Hoorin caanka ahaa deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose,islamarkaana ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.
2:-Maxamed Cali oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada dowaladda ee ku sugnaaa saldhigga deegaanka Bariire.
3:-Cali Xasan oo ahaa Taliye Hoorin kana mid ahaa saraakiisha sar sare ee ku sugneyd deegaankaasi Bariire.
4:-Faarax Yare oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada sida gaarka ah Mareykanka u tababaray sida ay sheegeen Al Shabaab.
Weerarkii dhawaan lagu qaaday deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa lagu dilay Askari fara badan oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoona sidoo kale Al Shabaab halkaasi ay ku qabsadeen Gaadiid dagaal.
Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya tan iyo markii uu dhacay weerarkaasi.