Ururka Al-Shabaab oo soo bandhigay Askari Kenyan ah oo ay tooganayaan (Sawirro)

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay toogteen mid ka mid ah Askartii ciidamada dowladda Kenya ee ay ku qabteen dagaalkii ka dhacay degaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo 15-kii bishii January ee sanadkii hore.
Muuqaal iyo Sawirro ay soo bandhigeen Al-Shabaab ayaa muujinaya Maxbuuska oo la fadhiisiyay goob ay dhir ka baxeyso,  waxaa gadaashiisa ka imaanaya ninka Shabaabka ka tirsan, kaasoo inta uu bistoolad la soo baxo ka tooganaya madaxa iyo qaybaha kore ee jirkiisa.
Askariga Kenyaanka ayaa inta aan la toogan , waxaa uu fariin u diray Madaxda dowladda Kenya.
Waxaa uu dowladda iyo shacabka Kenyaba  ugu baaqay in ay Soomaaliya kala baxaan ciidanka ka joogga.