Ururka Al-shabaab oo saakay gubay tuulo ka tirsan Gobolka SH/Hoose

Dagaalyahano katirsan ururka Al-shabaab ayaa la sheegay in ay yimadeen saakay Tuulada Busley Daa’uud oo ka tirsan Degmada Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose, Waxaana la sheegay in Shabaabkii yimaaday tuuladaas ay saakay dab qabadsiiyeen.

Warkaan ayaa warbaahinta waxaa u xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmada Marko ee Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Cusmaan Yariisow, wuxuuna sheegay Ciidamo ka tirsan Millitariga Soomaaliya in ay ku baxeen falkaasi.

Sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Marko ayaa sheegay sababta Shabaab ay u gubeen Tuuladaasi in ay tahay, sidii ay shacabka u barakicin lahaayeen, wuxuuna tilmaamay Shabaab in ay horey u gubeen 24 Tuulo oo Shabeelaha Hoose ka tirsan.

Maxamed Cusmaan Yariisow Guddoomiyaha Degmada Marko ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay mar walba Shabaab in ay bartilmaameedsadaan meelaha ay shacabka ku badan yihiin.