Ururka Al-shabaab oo howlgal ka sameeyay deegaano hoos taga magaalada Kismaayo

Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa howlgal gaar ah waxa ay ka sameeyeen wadada laamiga ah ee xiriirisa Magaalada Kismaayo iyo degaanka Buula Guduud oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Dadka degaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in ay arkeen Dagaalyahano Shabaab ka tirsan oo aad u hubeysan, kuwaasi oo ku gaaf wareegayay tuulooyinka ku dhaw degaanka Buulo Guduud.

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegeen Ciidamada Xisbaha Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka in Howlgal burcad sifeyn ah ay ka sameeyeen wadada xiriirisa Magaalada Kismaayo iyo degaanka Buulo Guduud.

 Shabaabka waxay sheegeen in howlgalkan lagu beegsanayay rag burcad ah oo dhibaatooyin ka geysanayay tuulooyinka ku dhaw degaankan Buulo Guduud, waxayna tilmaameen inta uu howlgalkan socday in ay kala ceyriyeen rag Isbaarooyin dhiganayay.

Wadadan Shabaabka ay howlgalka ka sameeyeen ayaa waxaa isticmaala gaadiidley isaga kala goosha degaanada iyo tuulooyinka Maamulka Jubbaland, waxaana dhawr jeer oo hore ay ka cabanayeen dhibaatooyin kala duwan oo loo geysto.