Ururka Al-shabaab oo digniin u diray Waalidiinta iyo Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho

Ururka Al-Shabaab ayaa dhalinyarada ku nool magaalada Muqdisho, waxa ay uga digeen inay ka qayb galaan Barnaamijka Shaqo Abuurka ee dhalinyarada ku nool Magaalada Muqdisho loo sameynayo.

Shaqo abuurka loo sameynayo dhalinyarada ku nool Magaalada Muqdisho ayaa waxaa amray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, waxaana fulinaya Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo dhaqaalaha ku baxaya shaqo abuurkaan ay bixinayso Qaramada Midoobay.

Afhayeenka dhanka hawlgalada Ururka Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha afka Ururka Al-Shabaab ayaa wuxuu sheegay qorshaha arintaan ka dambeysa inay tahay in dhalinyarada laga dhigo askar jawaasiis ah sida uu hadalka u dhigay.

“Waxay doonayaan in 55 askari ay ka shaqaaleysiiyaan 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir, oo kiiba ay lacago Doollar ah siinayaan, waxay doonayaan in dadkaasi ay Jawaasiis iyo askar ka dhigaan kadib marka ay siminaaro siiyaan, umadda Soomaaliyeed waa ogtahay in falkaasi gaalnimo yahay.” Ayuu yiri Abuu Muscab.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa digniin u diray waalidiinta Soomaaliyeed inay caruurtooda ku kadsoomin Barnaamijkaasi shaqo abuurka ah ee dhalinyarada Soomaaliyeed lagu qaldayo.