Ururada Bulshada oo walaac xoogan ka muujiyay xirnaashaha wadooyinka Muqdisho

Ururada Bulshada rayidka ayaa walaac xooggan ka muujiyey xirnaashaha jidadka Magaalada Muqdisho, waxaana dowladda dhexe ee Soomaaliya ugu baaqeen in si deg deg ah wax looga qabto.

Boqolaal ka mid ah Darawalada ku shaqeysta Gaadiidka dadweynaha ee lagu Magacaabo PL-ka ayaa Magaalada Muqdisho ka bilaabay Banaanbax ay kaga soo horjeedaan dowladda dhexe ee Soomaaliya oo ay sheegeen in ay guud xiratay Wadooyinka Muqdisho.