Urur Gobolleedka IGAD Oo xil ka qaadis Ku Sameeyay Jeneraal Gabre Oo u Qaabilsanaa Arrimaha Soomaaliya

Wararka laga helay madaxda Urur Gobolkeedka IGAD ayaa sheegaya in xil ka qaadis lagu sameeyay Gen. Gabre.

Gen. Gabre ayaa la sheegay in laga qaaday xilkii uu IGAD ka hayay, gaar ahaan qeybta Soomaaliya qaabilsan, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan ururka IGAD.

Arrintan ayaa imaaneysa kadib socdaalkii Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ee Adis ababa oo uu kaga qeyb galay shir madaxeedkii IGAD, iyadoo dowladda Soomaaliya ay tan bedelkeed ku weysay in ergey Jabuutiyaan loo magacaabo wakiilka IGAD ee Soomaaliya.

Jeneraalka Itoobiyaanka ee Gabre ayaa ka mida ahaa jeneraaladii hoggaaminayay faragelintii ciidamada Itoobiya ku sameeyeen Soomaaliya sanadkii 2006, waxaana loo heystaa inuu galay dembiyo ay ka mid yihiin dadkii ay Itoobiyaanka ku laayeen caasimadda Muqdisho.

Gen. Gabre ayaa ka mid noqday madaxda IGAD u qaabilsan Soomaaliya, wuxuuna qeyb ka ahaa shaqsiyaadka ku dhex milan dowladdda Soomaaliya ee sida weyn ay karaahsadeen dadka Soomaaliyeed.

Waxaa si weyn loogu cambaareeyay sida diblomaasiyadda ka baxsaneyd ee uu Gabre u taageeray ololihii dib u doorashada madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo keentay in dowladda Itoobiya ay xaqiiqsato inay bedesho ninkan oo laba weji oo IGAD iyo Itoobiyaan ah ku shaqeyn jiray.