Uganda oo Soomaaliya u soo direysa 160 sarkaal oo Booliis ah

Mas’uuliyiinta dalka Yugaanda ayaa sheegay in bisha Disembar ee soo socota ay dalka Soomaaliya u soo diri doonaan 160 askari oo boolis ah,si ay uga qeybqaataan howlaha AMISOM  ee nabad -ilaalinta  dalka.

Saraakiisha ayaa dhameystay tababar socday muddo lix bilood ah oo loogu diyaar garoobay in ay ka qeybqaataan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), sida ay sheegeen booliska dalkaasi.

Saraakiishu waxay ka shaqeyn doonaan maareynta kala dambeynta dadweynaha, ilaalinta shaqaalaha Midowga Afrika (AU) iyo taageeridda hawlgallada bilayska ee u baahan jawaab celin degdeg ah.

Yuganda ayaa billowday inay ciidamo boliis ah keento Soomaaliya bishii July ee sannadkii 2012 -kii kaddib markii 2007 –dii,ay horay u soo dirtay ciidamo ka tirsan kuwa difaaca