Trump oo Safiir cusub usoo magacaabay Soomaaliya

Mareykanka ayaa safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya, kadib markii bishii October 2017-kii uu is casilay Amb. Stephen M. Schwartz oo ahaa safiirki Mareykanka u fadhiyay Soomaaliya.

Safiirka cusub ee Dowladda Mareykanka u soo magacawday Soomaaliya ayaa waxaa lagu magacaabaa Ambassador Donald Yukio Yamamoto, isagoo horey Madax uga ahaa Waaxda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Qaaradda Afrika.

Safiirkan loo soo magacaabay Soomaaliya oo Da’diisa ay tahay 60 sano ayaa waxa uu hawlaha Diblomaasiyada ku soo biiray sanadkii 1980-kii, wuxuuna Ambassador horey uga soo noqday dalalka Eritrea sanadihii 1997-dii ilaa 1998-dii, Jabuuti 2000 ilaa 2003-dii iyo Itoobiya oo safiir uu ka soo noqday 2006 ilaa 2007-dii.

Mr. Yamamoto oo noqonaya Danjirihii 14-aad ee Mareykanka u jooga Soomaaliya ayaa waxa uu sanadkii 2016-kii ahaa howl fuliyaha Xafiiska ergada Dublomaasiyiinta Mareykanka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa warqad ka soo baxday xafiiskiisa lugu magacaabay Danjiraha cusub ee USA u qaabilsan arrimaha Soomaaliya sida ay baahiyeen warbaahinta gudaha dalkaasi.