Trump oo ka hadlay Askari Mareykan ah oo looga dilay Soomaaliya

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka hadlay geerida askari Mareykan ahaa iyo afar kale  oo la dhaawacay, kadib markii xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ay ku weerareen deegaanka Baar-sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.

Donald Trump ayaa marka hore tacsi u diray ehelada iyo qoysaskii uu ka geeryooday askarigaasi, wuxuuna caafimaad deg deg ah u rajeeyay afar askari kale oo iyaguna weerarkaasi lagu dhaawacay.

Hadal uu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka ayuu ku yiri “ Waan u duceynayaa qoysaska ay ka baxeen askariga lagu dilay iyo kuwa lagu dhaawacay Soomaaliya, runtii aad ayaan uga murugoonayaa, runtii waa geesiyaal, oo qaranka ayaa xusi doona.” Ayuu yiri Madaxweyne Donald Trump.

Bishii May ayaa Hal askari oo Maraykan ah lagu dilay tuulada Daara Salaam ee Shabeelaha Hoose, Askrigaasi ayaa noqday kii ugu horeeyay ee ciidanka Maraykanka looga dilo Soomaaliya tan iyo sanadkii 1993-kii xiligaasi oo la soo riday diyaaradii ciidamada Maraykanka ee nooceedu ahaa Black Hawk.

Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay qaadayaan tan iyo bilawga bisha Ramadaan iyaga oo sheegtay weeraro badan oo xiriir ah oo ka dhacay gobolo kala duwan.