Tiro madaafiic ah oo kusoo dhacay xaafad ka tirsan degmada Howlwadaag (sawiro)

Wararka laga helaayo degmada H/wadaag ayaa sheegaya in xaafado ka tirsan degmadaas ay tiro madaafiic ah kusoo dhaceen kuwaas oo geystay dhimasho iyo dhaawac, wararka aya sheegaya in madaafiicdaas ay ahaayeen kuwo si is daba joog ah usoo dhacayeen.

ayadoo labo kamid ah Madaafiicdaas ayaa lagu soo waramayaa in ay kusoo dhaceen xero ay dagan yihiin dad barakacayaal ah iyo sidoo kale Dugsi sare Cabdi Casiis Khariidi oo ku dhaway xarunta degmada Howl-Wadaag .

Inta la xaqiijiyay gabar yar oo ardayda Iskuulka kamid ah ayaa ku dhimatay Madaafiicdan halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 5-qof kale oo u badnaa caruur arday ah oo ku sugnaa iskuulka Madfaca kusoo dhacay.

Dadka ku dhaqan Degmada Howl-Wadaag gaar ahaan xaafadaha ay kusoo dhaceen ayaa dareemay khal khal badan, waxaana dadka qaar bilaabeen in ay guryahooda ka cararaan iyaga oo gara la’ halka laga soo tuuray madaafiicdaas.