Waxaa sii kordhay khasaaraha ka dhashay weerarkii culusaa ee aroornimadii hore ee shalay ka dhacay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaray kooxda Al-shabaab iyo ciidamada dowladda federaalka oo ay garab ka heleyay ciidamada deegaanka.
Dagaalka oo ahaa mid qaatay saacado badan ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac leh oo labada dhinac soo gaaray, waxaana dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay inay guul weyn ka gaartay dagaalkii Shalay oo ay ciidamada qaranka si buuxda u difaaceen degmada Ceeldheer.
Guddoomiyaha degmada Ceeldheer Cabdiraxmaan Axmed Cumar oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la helay maydad hor leh oo ka mid ahaa Maleeshiyaadka Al-shabaab ee weerarka kusoo qaaday degmadaas.
Guddoomiye Cabdiraxmaan ayaa sheegay in tirada dhimashada kooxda Al-shabaab ee Shalay weerarka soo qaaday iney maanta gaartay 71 qof, islamarkaana wali ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku howlan yihiin howlgalo nadiifin ah oo ka socda deegaanada ku dhow Ceeldheer.
“Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka waxay muujiyeen geesinimo weyn. Al-Shabaab waxay doonayeen inay Ceeldheer qabsadaan, laakiin si adag ayaa looga difaacay” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha maamulka Galmudug iyo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u bogaadiyay ciidamada ku guuleystay iney iska difaacan maleeshiyaadka Al-shabaab ee weerarka kula jarmaaday Shalay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud