Tartan Loogu Jiro Kursigii uu Baneeyay Guddoomiyihii Baarlamaanka Prof.Jawaari

Kadib markii uu xilka iska casilay Gudoomiyihii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, ayaa haatan waxaa bilowday olaha loogu jiro doorashadda gudoomiyaha cusub.

Waxaa jira Musharaxiin dhowr ah oo la hadal hayo in ay isku soo taagi doonaa Xilka gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya, Inkastoo aanay weli jirin Musharax ku dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya.

Musharaxiinta illaa iyo hada la hadal haayo ayaa waxaa ka mid ah Maxamuud Macalin Yaxye, Ibraahim Isaaq Yarow oo ah Wasiir kuxigeen, Maxamed Mursal Sheekh Ibraahim oo ah Wasiirka Gaashaandhigga iyo xubno kale.

Magaaladda Muqdisho waxaa ka bilowday xalay Kulamo ay yeelanayaan Xildhibaanadda Baarlamaanka,iyadoona Olalaha loogu jiro doorashada Xilka Gudoomiyaha ay qeyb ka yihiin Xildhibaanadii taageersanaa Jawaari iyo kuwii Mooshinka ka keenay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay jiraan Musharixiin garab ka haysta Madaxtooyadda, kuwaasi oo la doonayo in ay noqdaan gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan oo door ku lahaa abaabulka Mooshinkii Gudoomiyihii Baarlamaanka Soomaliya Jawaari ayaa la aaminsan yahay inuu isna wato Musharax gaar ah.

Sida Dastuurka jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ku qoran Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa la doonayaa in 15 maalmood gudahood lagu soo doorto.