Tanzania: Burcad badeed Soomaali ah oo lagu xukumay Maxkamada Darasalaam

Maxkamadda Sare ee Caasimadda dalka Tanzania ee Darasalaam waxaa la soo taagay 7 qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo loo haystay inay ahaayeen Burcad-baddeed weerar u geysatay Markab marayey Xeebaha dalkaasi.

Dacwad-oogaha waxa uu Maxkamadda ka hor sheegeen in Eedeysanayaasha ay bishii October 3-dii ee sannadkii 2011-kii weerareen Markab Shidaal oo lagu magacaabo SAM  A. ALLGOOD, kaasi  oo marayey Badweynta Hiondiya, gaar ahaan Aagga loo yaqaano xuduudka Dhaqaalaha ee dalkaasi.

Eedeysnayaasha waxaa la sheegay inay Ciiddanka dalkaasi is-weydaarsadeen, ka hor inta aan loo itaal-sheeganin,

Garsooraha Maxkamadda Darasalaam, Yose Mayambina waxa uu Eedeysanayaasha ku wada xukumay xabsi Daa’im, waxaana Eedeysanayaasha la xukumay magacyadooda lagu kala sheegay: Maxamed Aadan, Bashiir Rooble, Faragani Cabdul, Ali Nuur Ali iyo Omar Maxamed oo lagu nanaayso Mudhee.