Taliyihii Hogaaminayay duulaankii lagu qabsday degaanka Bariire oo la dalacsiiyay

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Janeraal Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe oo shalay booqday difaacyada  Ciidamada dowladda ee deegaanka Bariire  Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu dalacsiiyay Sarkaalkii hoggaaminayay  weerarkii lagula wareegay deegaankaas.

Taliye Indha-Qarshe ayaa u kuurgalay xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda ee dhawaan deegaanka Bariire kala wareegay Al-Shabaab,isaga oo ku amaanay howlgallada ay Ciidamada Gobolka Shabeellaha Hoose uga saarayaan Al-Shabaab.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada xoogga dalka ayaa waxa uu dalaacsiiyay Sarkaalkii hoggaaminayay howlgalka lagula wareegay deegaankaas kaas oo lagu Magacaabo Cabdi Cali Raagge,waxana loo dalacsiiyay Darajada Gaashaanle,isaga  oo horay u ahaa Dhamme.

Sidoo kale Gaashaanle  Cabdi Cali Raagge  ayaa waxaa la guuddoonsiiyay Shahaado la sheegay in uu ku muteystay karti iyo waxqabad uu muujiyay,waxana taliye Indha-qarshe uu ugu baqay in uu siiwado dadaalkiisa ku aadan howlgalalda ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee ka socda Gobolka Shabeellaha Hoose.