Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Janeraal Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe oo shalay booqday difaacyada Ciidamada dowladda ee deegaanka Bariire Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu dalacsiiyay Sarkaalkii hoggaaminayay weerarkii lagula wareegay deegaankaas.
Taliye Indha-Qarshe ayaa u kuurgalay xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda ee dhawaan deegaanka Bariire kala wareegay Al-Shabaab,isaga oo ku amaanay howlgallada ay Ciidamada Gobolka Shabeellaha Hoose uga saarayaan Al-Shabaab.
Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada xoogga dalka ayaa waxa uu dalaacsiiyay Sarkaalkii hoggaaminayay howlgalka lagula wareegay deegaankaas kaas oo lagu Magacaabo Cabdi Cali Raagge,waxana loo dalacsiiyay Darajada Gaashaanle,isaga oo horay u ahaa Dhamme.
Sidoo kale Gaashaanle Cabdi Cali Raagge ayaa waxaa la guuddoonsiiyay Shahaado la sheegay in uu ku muteystay karti iyo waxqabad uu muujiyay,waxana taliye Indha-qarshe uu ugu baqay in uu siiwado dadaalkiisa ku aadan howlgalalda ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee ka socda Gobolka Shabeellaha Hoose.