Alle ha u naxariistee, Taliyihii Guutada labaad ee Ciidamada difaaca dowladda Puntland S/Guuto Axmed Cabdi Cali Qarjab (Qalyare) ayaa saaka ku dhintay qarax miino oo kula kacay nawaaxiga degaanka Dhasaan oo ka tirsan degmada Qandala ee Gobolka Bari.
Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxaa oo warkan xaqiijiyay ayaa sheegay in marxuum Taliye Qalyare iyo askari la socday oo magaciisu yahay Maxamed Hiiteeye ay ku dhinteen qarax miino oo saaka loo dhigay nawaaxiga degaanka Dhasaan ee Buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari.
“Gen. Ahmed Abdi Cali-Qarjab (Gen. Qalyare) ayaa maanta ku dhintay Miino cadowgu u dhigay isaga oo furinta dagaalka ku jira. Waa shahiid ku dhintay xaq iyo sharaf isagoo dadkiisa iyo dalkiisa difaacaya. Waxaa la Gen. Qalyare la dhintay Maxamed Hiiteeye oo ciidankiisa ka mid ahaa. Gen. Qalyare wuxuu ahaa sarkaal geesi ah oo qiyam leh oo safka hore kaga jiray dagaalka Argagixisada. EEBBE Janatul Fardowsa gurigiisa haka dhigo isaga iyo inta la dhimatayba” ayuu yiri Wasiir Juxaa.
Alle ha u naxariisto Jen. Qalyare oo ahaa geesi qaran oo waqti iyo naf badan ku bixiyey difaaca Puntland iyo dhismaha dowladnimada. Wuxuu ka soo shaqeeyey dowladdii dhexe ee Soomaaliya isagoo soo noqday Taliyihii Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Awdal, halka Puntland uu ka dhaxlay kaalmo iyo taariikh dahabi ah oo dhanka amniga iyo ciidamada ah