Taliye-yaasha Ciidamada Qalabka Sida, ayaa xalay soo saareen amaro hor leh oo ku saabsan suggida amniga Magaalada Muqdisho, iyagoona sidoo kale digniin u jeediyay cid kasta oo ka hortimaada amaradaasi.
Taliye-yaasha Nabad Suggida, Booliska iyo Militariga, ayaa caawa si wada jira shir jaraa’id ugu qabtay Xarunta Madaxtooyada Somaliya, waxaana ku wehlinayay Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale).
Shirkan ayaa ugu danbayn Waxaa laga soo saaray qodobo dhowr ah waxaana ka mid ahaa,
1. Askarigii Magaalada Muqdisho qori ku dhex wataa talaabo Sharci ayaa laga qaadaya waana la xeraya.
2. In Talaabo Sharci ah laga qaadayo cidii lagu arki dharka ama Dareeska Ciidanka Xooga Dalka oo aan Taliska ka tirsaneyn.
3. In Ciidan iyo Gaadiid aan Warqad Fasax wadan in aan lagu arki karin gudaha Magaalada Muqdisho.
4. Ciidamada Xasilinta ayaa sugaya amaanka Xarumaha Dowladda iyo amaanka guud ee Caasimada ciidan kale laguma arki karo Muqdisho.
5. In la Faarujiyo oo laga baxo guryaha ay leeyihiin Ciidamada Xooga Dalka ee ku yaalla Muqdisho 1 Julaayo ka dib Shacab laguma arki karo Guryaha Ciidamada Xooga.
6. In aan Cid loogu turin Howlgalada Xasilinta Caasimada iyo Hub ka dhigista cidii ka hor timaaddo Sharciga waafaqsan ayaa laga qaadayaa.