Kooxo hubeysan ayaa caawa ku dilay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir Taliye kuxigeenkii hore Saadka ee Ciidamada xoogga dalka Jen. Cabdulle Quruurux,
Wararka ayaa sheegaya in Jeneraalka la dilay xilli uu ka soo baxay masaajid uu ku dukaday salaadii cishaha.
Kooxaha dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana la sheegay in marxuumka uu u dhintay rasaas qeybaha sare ee jirkiisa looga dhiftay.
Dhinaca kale Weerar bambaano ayaa caawa lagu qaaday Ciidamo ku sugnaa agagaarka Buundada Koowaad, halkaasoo lagu baaro gaadiidka.
Qaraxa bam ayaa waxaa daba socday rasaas ay rideen ciidankii la weeraray, waxaana la soo sheegayaa inuu jiro dhaawacyo soo gaaray askar ka tirsan ciidamada.
Ciidamada Xasilinta Caasimadda ayaa todobaadyadii u dambeeyay waday howl gallo lagu xaqiijinayo ammaanka, waxaana habeenadii la soo dhaafay ciidamada howl gallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir.