Galabta waxaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Muudg gaaray Wefdi uu hogaaminayo Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Gen, Cabduweli Jaamac Gorod.
Wefdiga ayaa soo dhaweyn halkaasi waxaa ugu sameeyay masuuliyiinta Maamulka degmada iyo Shacabka.
Ujeedka wefdiga ayaa lagu sheegay dhameystirka heshiiskii ay Gaalkacyo ku wada gaareen Madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug si loo dhameeyo dagaalada ku soo laab laabtay Magaalada Gaalkacyo.
Sidoo kale wararka ayaa waxa ay sheegayaan in wefdiga taliyaha uu hordhac u yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo halkaasi tegi doono.












