Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliyaha Nabadsugida Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa xilkii looga qaaday taliyihii Ciidanka Nabadsugida Gobolka Hiiraan Dhame Cabduqaadir Maxamed Abuukar (Dhagaweyne),iyada oo xilkaas loo magacaabay Dhame Cabdi Maxamed Cali.
Sidoo kale waxaa wareegtada lagu Magacaabay taliyaha Ciidamada Nabadsugida Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan kaas oo loo magacaabay Colaad Cabdullaahi Cismaan.
Arimahaan ayaa kusoo aadaya xili Shalay madaxweynaha Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare uu xilkii ka qaaday guddoomiyihii Maamulka Gobolka Hiiraan ee Hir-shabeelle,Cali Jeyte Cusmaan.