Taliyaha cusub ee Heyada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka oo la wareegay xilka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad, taasoo ka dhacday xarunta hay’addaas ee magaalada Muqdisho.

Mahad Salaad ayaa xilka kala wareegay taliyihii KMG ahaa ee NISA Yaasiin Farey oo sidoo kale ka mid ah Xildhibaanada cusub ee golaha Shacabka.

Talaabadan ayaa ka dhigan in Taliyaha cusub ee NISA Mahad Salaad uu lumiyey kursigii Xildhibaanimo ee golaha Shacabka sida uu qorayo dastuurka KMG ah ee dalka.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maalmo ka hor kulan  yeeshay ayaa ansixiyay magacaabida taliyaha cusub.

Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa ah mid ka mid ah heyadaha ugu waawayn uguna muhiimsan laamaha ammaanka dalka.