Taliyaha howlgalka Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) Janaraal Dagvin Anderson oo xilka si rasmi ah ula wareegay ayaa sheegay in uu xoojinayo shaqada uu taliskaan ka hayo adkeynta danaha Maraykanka ee Afrika iyo ujeedka loo aasaasay howlgalkaan.
Munaasabad ka dhacday xarunta guud ee AFRICOM ee Stuttgart Dalka Jarmalka waxaa ka qaybgalay taliyaha xilka wareejiyay, ku xigeenno iyo saraakiil kale oo katirsan taliskaan, waxa ay dhagaysteen khudbaddii ugu horreysay ee Anderson.
Taliyahaan waxa uu ku suntan yahay in uu door firfircoon ka qaatay ka jawaabista weerarkii ‘AS’ ay ku qaadday taliska AFRICOM ee Manda Bay ee Dalka Kenya, waxa uu sidaas ku muteystay mudnaan gaar ah oo Dowladdiisa siisay duulliyahaan hore.
Saraakiisha Xafladda ka hadashay waxa ay ku bogaadiyeen in uu xoogga saaro howlgallada geeska ilaa galbeedka qaaradda Afrika, Anderson waxa uu leeyahay waaya-aragnimo ku filan oo ah in uu duulliyay diyaarad 3,400 oo saac.
©️Goobsan Media inc