Taliyaha CiidamadaTaraafikada Korneel Cali Gaab oo u sheegay AMISOM in aysan Sharciga…..

Taliyaha Ciidamada Ilaalada Waddooyinka ee loo yaqaano Taraafiko ayaa sheegay in shilalka ay geystaan Gaadiidka Ciidamada AMISOM uu aad u kordhay afartii sano ee u dambeysay, iyadoo habeen ka hor ay ugu dambeysay, markii mid ka mid ah gaadiidkooda uu mooto bajaaj ku jiiray Wadada Taleex.

Taliye Cali Gaab oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in illaa shan boqol oo shil ay geysteen Ciidamada AMISOM, qaarkoodna ay ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac sida uu hadalka u dhigay.

“Afartii sano ee la soo dhaafay gaadiidka AMISOM, wuxuu geystay illaa shan boqol oo shil oo ay qaarkood dhimasho iyo dhaawac ka dhasheen, waxaa jira dad badan oo aan wali helin wax mag dhow ah”ayuu yiri Taliye Cali Gaab.

Taliye Cali Gaab ayaa soo hadal qaatay dhowr shil oo ay geysteen AMISOM, oo ugu dambeeyay shil habeen hore dhacay, isla markaana aanay wax magdhow ah bixin.

“Habeen hore shilkii ka dhacay wadada Taleex, gaadiid AMISOM ayaa mooto bajaaj jiiray, khasaarihii ay geysteen waxay keentay in aniga iyo Guddoomiyaha Hodan inaan qeybsano oo aan bixino, kaddib markii in badan laga dooday”ayuu yiri.

Waxaa uu sheegay in AMISOM aysan sharciga ka weyneyn, isla markaana lagula xisaabtami doono dhib kasta oo ay geystan, isagoo ugu baaqay dadka in aysan siyaasadeyn shilalka sida uu yiri.

Gaadiidka AMISOM ayaa sidoo kale shilal ka geysta meelo ka baxsan magaalada Muqdisho, waxaana shilalkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.