Taliyaha Ciidamada Xooga oo Sheegay In uu Iscasilayo.

Taliyaha Ciidamadda Xoogga Soomaliyeed Jeneraal C/wali Jaamac Gorod ayaa sheegay in hadii la dhameystiri waayo baahiyaha Ciidanka uu isaga tagayo Jagada uu ka hayo Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliye Gorod ayaa sheegay in baahiyo weyn ay qabaan Ciidamadda kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya,islamarkaana ay ku dadaali doonaan sidii loo buuxin lahaa.

“Caqabadaha jira waxaan isku dayi doonaa in aan ka gudubno, balse ma dhahaayo waan ka gudbi doonaa dhamaan, laakin meel ayaan geyn doonaa,hadii wax la qaban waayo oo caqabado aan la kulano xilka waan wareejin doonaa”, ayuu yiri taliye Gorod.

Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaliyeed Jeneraal C/wali Jaamac Gorod ayaa hadalkaan sheegay xili uu maanta ka qeyb galayay 58-sano guuradii ka soo wareegatay markii la aas-aasay ciidanka Cirka dalka Soomaliyeed oo soo maray marxalado kala duwan.