Tahriibayaal Soomaali ku jirto oo la soo badbaadiyay

Ciidamada Ilaalada Xeebaha dalka Jabuuti ayaa ku guuleystay inay soo badbaadiyaan 120 Muhaajiriin ay Soomaali ku jiraan, Xilli ay Ciidamadu ku jireen howlahooda Shaqo.

Muhaajiriinta la soo badbaadiyey ayaa Saraakiil Ciidan waxa ay sheegeen inay u kala dhasheen dalalka, somaliya, Itoobiya iyo Eritrea,isla markaana xilliga la soo badbaadinayay ay marayeen xeebaha Godoriya ee gobolka Obock ee dhanka waqooyi ee dalka Jabuuti.

Xeebaha deegaanka Godoriya ee dalka jabuuti ayaa waxaa horay ugu geeriyooday 52 Ruux taas oo aheyd dhimashadii ugu badneyd oo tahribayaal ah kadib markii 2 doon oo yar-yar ku gadoomeen xeebaha dhanka waqooyi ee dalkaas .

Sidoo kale Ciidamada Ilaalada Xeebaha dalka Jabuuti ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen laba naaquude oo u dhashay dalka Yaman,kuwaas oo saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in cadalaada la marsiin doono,waxaana badbaadinta dadkan ay kusoo aadeysaa xilli roobka Guga uu ka curtay deegaano badan oo ka tirsan dalka Jabuuti.