Tababar loo soo xiray Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka (SAWIRO)

Xero Ciidan oo ku taalla duleedka Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa Tababar loogu soo xiray cutubyo ka mid ah Ciidamada Qalabka Sida ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Munaasabada lagu soo xirayay Tababarkan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhiga cusub ee Soomaaliya, Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, Saraakiil Ciidan iyo marti sharaf kale.

Ciidankan Tababarka loo soo xiray oo tiro ahaan gaarayay 400 ayaa waxaa tababarkan siinaysay Dowladda Imaaraadka Carabta.