Sweden: Weerar argagaxiso oo ka dhacay Stockholm (SAWIRO)

Baabuur xamuul ah ayaa lagu dhuftay dukaan ku yaala wadada ugu saxmadda iyo ganacsiga badan magaalada Stockholm ee Drottninggatan.

Falkan ayaa dhacay galabta markii qof gaari nooca xamuulka daabula uu ku dhuftay goob si weyn looga dukaamaysto. Taasoo sababtay geerida ilaa 3 qofood iyo dhaawaca 8 qofood  sidoo kale bur bur soo gaaray goobta uu shilkani ka dhacay,

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbaysay arintan, balse  goordhawayd Raisal-wasaaraha dalka Sweden Stefan Löfven ayaa saxaafada u sheegay in falkani uu yahay mid argagaxiso isla markaana booliska ay gacanta ku dhigeen qof la rumaysan yahay inuu gacan ku lahaa dhacdadan,

Waxaa wali xiran goobta ay wax ka dhaceen waxaana socda baaritaano xoogan oo la xiriira arintaan,