Sweden: Hay’ada laanta Socdaalka oo war faxad leh soo saartay.

Hay’ada laanta Socdaalka Sweden ee Migrationsverket ayaa maanta sheegtay in dadka heesta sharciga ku meel gaarka loo kordhinayo sharcigooda ka dhacay (permanent uppehållstillstånd)

Magnus Bengtsson oo laanta socdaalka u qaabilsan qeybta kordhinta ayaa sheegay in Hay’ada ay sanadkan isku diyaarisay balaarinta dadka heesta sharciga kumeel gaarka ah.

waxa uu intaasi ku daray in ku dhawaad 30,000 kun oo Qaxooti ah loo kordhinayo sharcigooda ilaa dhamaadka sanadkan 2019 oo ku beegan xiliga uu dadka ka dhacayo sharciga ku meel gaarka ah.

hadalkan Laanta Socdaalka Sweden ayaa meesha ka saareysa walwalka heesta Somali badan iyo Ajaanib kale oo ka baqayay in loo kordhiyo sharciga ku meel gaarka kaasi oo laga ceshan karo marka uu dalkooda nabad noqdo lakin hadii loo kordhiyo ayay ka badbaadayaan arinkaasi.

© Goobsan Media