Soomaaliya oo ku guuleysatay Dacwadii badda ee Kenya kala dhaxeysay

Maxkamadda Caalmiga ah ee ICJ ayaa go’aan ka gaartay kiiskii dacwadda badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya. Maxkamadda ayaana diiday sheegashadii ugu weyneed ee Kenya ku doodaysay taas oo aheyd inuu jiro xad u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya oo lala siman xariiqda loolka ah.

Soomaaliya ayaa mowqifkeedu waxaa uu ahaa in xadeynta lagu saleeyo xariiqda tooska ah ee astaysayn xuduudda badda laakiin Kenya waxaa ay ku doodeysay in xariiqda lagu saleeyo loolka.

Kalfadhiga Maxkamada oo ay shir guddoomisay madaxwaynaha Maxkamadda ICJ garsoore Joan E. Donoghue ayaa lagu laalay doodo badan oo ay soo jeedisay Kenya, waxaana dhul badeedkii la isku heystay loo xukumaday Soomaaliya.

Maxkamadda Caalmiga ah ee ICJ, ayaa sameysay xariiq cusub oo ah xuduud badeedka labada dal. Sida ku cad xariiqda cusub ee la calaameeyey inta badan dhul badeedkii ay sheegatay Kenya ayaa laga diiday waxaana loo xukumay Soomaaliya.

Go’aanadda maxkamadda waxaa kamid ah ahaa:

  1. In uusan jirin wax heshiis ah labada dhinac ay horrey kaga gaareen khilaafka/
  2. In Halka Xuduudda ay tahay uu raacsan yahay xariiqinta dhulka.
  3. In Maxkamadda diiday sheegashada Kenya ee xariiqinta xuduudda.

Bishii July ee sanadkii 2014-kii ayaa dowladda Soomaaliya si rasmi ah maxkamadda ICJ ugu gudbisay dacwadda ku saabsan muranka badda ee kala dhaxeeya Kenya.

By: Jabril Yahye Isse