Soomaaliland oo ka hortimid in Hawada Soomaaliya laga maamulo Muqdisho

Maamulka Somaliland ayaa ka hor yimid go’aanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay kula wareegeyso hawada dalka.

Cabdi Maxamed Rodol oo ah Maareeyaha Sadaasha Hawada maamulka Somaliland oo wariyayaasha kula hadlay Magaaladda hargeysa ayaa sheegay in Xarunta Muqdisho laga furay maanta ay Somaliland aqbaleyn.

Mudane Rodol ayaa sheegay in go’aanka dowladda Federaalka ah kula wareegeyso maamulka Hawada uu yahay qalad, islamarkaana Hay’adda Qaramada Midoobay ee ICAO aysan heshiiska waxba kala soconin.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in go’aankaan uu saameyn ku yeelanayo wadahadallada u dhaxeeya Somaliland iyo Dowladda Soomaliya.

Waxaa jiro heshiisyo hore oo la galay waxaa qeyb ka ahaa in hawada aan wada maamulanno, qalab la geeyo Muqdisho, qalab kalena la keeno hargeysa oo la dhameystiro Desembar”.

Wuxuu sheegay in warkan ay ka maqleen telefishinnada, balse ay ahayd in wadatashi la geliyo ka hor inta aanan lagu dhawaaqin.
“Waxaa nasiib darro ah, Soomaaliya ayadoon wada tashi iyo heshiis galin, in ay keligood ku dhawaaqeen in ay hawadii oo dhan la wareegeen. Taasina waa in marnaba aysan Somaliland ka raali noqoneyn in hawadeeda meel kale laga maamulo”.