Soomaaliland oo eedeysay Puntlnad

Ka dib Markii Puntland ay shalay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah maamulka Somaliland ayaa arintaasi waxaa ka jawaabtay Somaliland.

Wasaaradda Difaaca Somaliland ayaa sheegtay in Puntland ay jabisay dadaalladii nabadeynta degaanka Tukaraq, islamarkaana ay doonayaan in ay dagaal kusoo qaadaan degaanada nabaddoon ee Somaliland.